Hiroshima iyo Nagasaki: Godka la hilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka
Hiroshima iyo Nagasaki: Godka lahilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka XIGASHADA SAWIRKA, ALAMY Doorka ay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ku lahayd sameyntii bambooyinkii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki, waxaa la qarinayay oo sir ayey ahayd, muddo tobannaan sano ah, laakiin dhaxalka laga helay ku lug lahaanshaheedii ayaa ilaa maanta la dareemayaa. "Erayga Shinkolobwe wuxuu igu abuuraa murug iyo boholyoow," ayey tidhi Susan William, oo ah taariikh-yahan ku sugan Machadka UK ee Barashada Culuumta Dalalka Barwaaqa Sooranka ah. "Ma ahan eray farxad leh, waa mid isoo xasuusiya musiibo iyo dhib weyn." Dad yar ayaa garanaya waxa ama xitaa meesha, uu ku yaallo Shinkolobwe. Laakiin godkan yar oo macdanta laga qodo, oo ku yaalla gobolka Katanga ee koonfurta Jamhuuriyadda Congo. Wuxuuna qeyb ka noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii musiibada ugu weyn sababay ee taariikhda soo maray. Magaalada Hiroshima ee dalka Japan, oo ku taalla meel...