Waanooyin Dhaxal gal ah

Qodobo muhiim ah si aad noloshaada Farxad ugu noolaatid

1- Ha laga helo iimaan qalbigaaga.

2- Wax tagay tiigsimaad ma leh ha ka fekerin wixii ku dhaafay.

3- Ku qanac xukunka Alle, iyo risqiga lagu siiyey.

4- Badi xuska Alle iyo waynaytiisa.

5- Ka nadiifi qalbigaaga xasadka iyo xiqdiga.

6- Ku dadaal akhriska kitaabka Quraanka waayo waa saaxiib wanaagsan.

7- Nidaami hawlahaaga una yeel qorsha cad iyo hadafka aad rabtid inaad gaartid.

8- Ku dadaal socodka jimicsiga iyo niyad samaanta wuxaa ku jira cafimaadkaga.

9- Akhri buugaagta waayo habka kaliya ay maskaxdu ku korto.

10-Ka fogow waligaa waxyaalaha maandooriyaha ah waayo waqtigaaga cafimaadkaaga iyo lacagtaada ayuu cadaw ku yahaw.

11- Ku dadaal nadaafada xadiis dhan ayaa ah Nadaafadu Waa imaanka barkiisa.

12- Xusuusnow marwalba in Alle denbi dhaaf badan yahay hana ka quusan raxmadiisa.

13- Alle uga mahad celi wax walba waayo asagaa balan qaaday inuu kuu siyaadinayo wax walba wanaaga.

14. Noqo waligaa qof wanaaga ugu yeera xumahana iskaga taga.

15- ku dadaal akhriska quraanka dhegeysigiisa iyo xifdintiisa,waayo wuxuu quraanka daawo ka yahay xanuun kasta.

16- Alle talo saaro waxwalba aad ku dhaqaaqaysid isagaa kugu filan.

17- Cafi qofka ku dulmiya una dulqaado kan kugu xad gudba.

18- ku cel-celi carabkaaga kalmada (laaxawla walaaquwata ilaa bilaah),Alle ayey raali gelisaaye.

19- Badi istiqfaarta waa furaha badbaada aduun iyo aakhiro.

20- Ku qanac wuxuu Eebe ku siiyay waayo asagaa kuu qorsheeyay xikmaduu kawatana asagaa og.

21- Ogow Waqtiga inuu yahay daweeyaha dhaawac walba marka sii waqti wax walba caqabad kala kulantid nolosha.

22- Noqo mid niyad san kana fiiriya xaajo walba dhanka wanaaga.

23- ku farax wax walba uu Alle ku dooray,waayo waxaa dhici karta wax aad dhibsanaysay uuwanaag kuugu jiray.

24- Noqo mid soo booqda qaraabadiisa kuwa buka waxna siiya kan baahan caawinaya ka taagta daran.

25. Sadaqo kasta jeebkaaga kabaxda kaama qasaarin
Waxay gashay buuga raqiib.

26. Farxada aduunyo iyo aakhiro waxay ku jirtaa raali galinta Rabigaa.

W/D: Axmed Cabdulahi Xirsi-Dhamac

Popular posts from this blog

TAARIIKHDA MAGAALADDA MUQDISHO

Hiroshima iyo Nagasaki: Godka la hilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka