Maqaal:Dardaarankii saameeyey nolashayda! Qiimaha wax akhriska
![]() |
| Qof akhrinaya buug |
Wanaada qofka wayn iyo dardaankiisu waa wax uu ubaahanyahay qofkasta oo donaya in uu nolasha guul ka gaaro , waa dardaaran gaaban oo hadana si weyn u saameeyey nolashayda marka la ego sida uu ii anfacay waxa uu ku sabsanaa( kobcinta garaadka ) , Kobcinta garaadku waxa ay muhiim u tahay nolasha qofka , waxa ay dawr muhiim ah ka qaadataa hormarka iyo guusha qofka , sido kale waxa ay dawr muhiim ah ka qadataa isbedbedelka wakhtiyada nolashu marto ee kala duduwan .
Sida aan dardaaranka ka fahmey , waxa kaliya ee lagu kobcin karo garaadka waxa ay tahay akhris .
Akhrisku waxa uu dawr muhiim ah ka ciyaaraa waxbarashada , mahan waxbarashadu in la qaato buug iyo qalin , macalin ku soo hor istaago waxna kuu dhigo , midaas waa furaha waxbarashada , waxbarashada dhabta ah waa akhriska , waxa ay sheegaan in uu ardaygu marka uu yahay dugsiga sare looga baahanyahay 25% oo ah akhris mesha macalinku uu qadanayo 75 % cashar soo diyaarin ah , marka la gaaro heerka jaamacada ama tacliinta sare waxaa ardayga jaamiciga ah looga bahanyahay 75 % oo uu isagu isbaraayo mesha macalinku uu qaadanayo 25 % .
Hadii uu akhriskaagu bato waxaa siyaadaya aqoontaada , hadii ay aqoontaadu siyaado waxaa yaraanaya baahida aad u qabtid aadamaha , mar hadii ay yaraato baahida aad u qabtid aadamaha waxaa badaneysa baahida laguu qabo .
Haddaba dadka wax akhriya waa hal- abuurayasha dunida waa dadka fikradaha cusub ku soo kordhiya dunida waa dadka u ah hormuudka isbedelka bulshadooda waa dadka wax hoggamiya si – aan itaasba u xaqiiqsano oo aan bulshadeena uga saarno musiibadaan ku habsatey ee daba jiitamaysey wakhtiga aadka u dheer aan ku dadaalno sidii aan u badin-lahayn akhriskeena oo aan ku dalbayno aqoon na anfacaysa .
Akhrisku waxa uu bedelaa qofka badiya akhriskiisa , waxa uu u bedelaa fikir ahaan , aqoon ahaan , akhlaaq ahaan , dhaqan ahaan , hadal ahaan oo marka uu hadlaayo waa uu ka duwanyahay dadka kale haddalkiisu waa xikmad socanaysa , waxaa ku cajab galinaaya waxa kasoo burqanaaya , habka uu u hadlaayo iyo habka uu ugu haboonyahay hadalkiisu ujeedada .
Diinteena suuban waxa ay siisey akhriska muhimad gaar ah waxaad ku dareemi kartaa aayadii ugu horeysey ee lagu soo dajiyo nabi maxamed NNKH waxa ay ka hadlaysey , ee suurada iqra ( iqra ) oo uuu macnaheedu yahay akhri , waxaana laga dareemayaa mar hadii akhris yimaado meesha waxaa ka horeeya barashada cilmiga , qofku marka uu waxbarto ayuu wax akhriyaa .
Barashada cilmiga , diinta islaamku waxaa ay siisey muhiim gaar ah cilmiga waa waxa kaliya ee lagu bedeli karo umad , lagu gaarsiin karo hormar iyo barwaaqo , hadaba si cilmiga loo helo waxaa loo bahanyahay akhris badan .
Akhriska oo bata waxa uu kugu hoggaminayaa hormar iyo kobac garaad , waxa taas tusaale kuugu ah , marka aad akhris taariikhda oo aad rogrogtid baalasheeda waxaa kugu soo baxaya nin ay taariikhdu magaciisa si wanaagsan u xustey lagu xusey hal-abuurnimo ( isxaaq Newton ) waa khabiirkii reer Britain , ee ku soo kordhiyey dunida cilmi lagu intifaacay ee ku cusub , waxaa ugu muhiimsana hal-abuuradiisa ( fikradii cufas jiidadka ama , gravitation theory ) , waxay xusaan marka ay ka sheekaynayaan taariikhdiisa in uu ahaa nin aad u maskax badan , hadaba waxa uu xusaa qoraaga buuga ( 100 greatest ) Michal hart , ee taariikhda ah , buugaas oo uu kusoo ururiyey 100 nin ee dunida ugu samaynta badan , hadana fikradahoodi ay waareen ilaa iyo hadana ay jiraan , marka uu ka sheekaynayey isxaaq Newton in laga saarey iskuulka kadib markii ay kasoo cabteen macalimiintiisa , in uusan danayneyn waxa ay sheegayaan , kadib waxa uu galay jamacad Cambridge university waxa una akhriyey wixii buug ah oo uu arkey , akhris badan oo uu sameeyey , waxa uu ku guuleystay in uu soo hindiso fikrado farabadan oo ay ugu weyntahay fikrada ( gravitation theory ) .
Akrisku waxa uu muhiim u yahay nolasha qofka aadamaha ah , waxa uu ku samaynayaa isbedel aad u weyn oo aan la qiyaasi Karin , kaasoo saamayn ku yeelanaaya dhankasta , waxaa iga dardaaran ah , dardaarankii uu igula dardaarmi jirey macalinkeyga oo ah mid siweyn wax uga bedelay nolashayda aana rajaynaayo in uu idinkana samayn idinkuyeelan doona ( dadka wax akhriyaa waa kuwa wax hoggamiya )
