Bad-baadintii cajiibka ahayd ee Paul Rusesabagina
Xasuuqii Rwanda: Bad-baadintii cajiibka ahayd ee Paul Rusesabagina.
Bishii Abriil Sannadkii 1994-kii ayaa xiisad u dhaxeysay dadka Hutu iyo Tutsi oo kamid ah qowmiyadaha dalalka ruwanda iyo burundi waxay horseedeen xasuuq ka dhacay dalka Rwanda,
Paul Rusesabagina oo ahaa maamulaha Hôtel des Mille Collines ee ku yaalay caasimada dalkaas ruwanda ee kigali isagu waxa uu kasoo jeeday qowmiyada Hutu, laakiin xaaskiisa Tatiana waa Tutsi. Guurkoodu waxaa dhaliilsanaa xagjiriinta Hutu oo uu ku jiro Georges Rutaganda, oo alaab geeye ka ahaa huteelka sidoo kalena ahaa hogaamiyaha maxaliga ah ee Interahamwe, oo kamid ah kooxda Hutu.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ka sii daraysay kadib dilkii madaxweynihii dalkaas ee lagu magacaabi jiray juvanel Habyarimana, Paul ayaa bilaabaya in laaluusho kooxaha aanan naxariista lahayn ee dilka geysanaaya si uu u bad-baadiyo qoyskiisa iyo dadka deriska la ah kuwaas oo isugu jira labada kooxoodba dad kasoo kala jeeda, kadib waxa uu hoy ugu dhigay huteelka uu markaas madaxa ka ahaa si ay nabad gelyo uga helaan, dad badan oo baxsad ah ayaa hoteelka usoo cararay iyaga oo kasoo cararayay xeryaha qaxootiga ee UN ee iyo kuwa Laanqeyrta cas.
Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, oo uu hogaamiyo u haa Kornayl Oliver, ma aysan awoodin inay qaadaan tallaabo adag oo ka dhan ah xasuuqa, saas darteed muwaadiniinta ajnabiga ah ee u dhashay dalalka banaanka ah ayaa la daadgureeyay, balse waxaa laga tegay kuwa u dhashay dalka ruwanda, markaas oo aysan jirin meel muuqata oo la isaga tago waayo waxaa joogay dalka gudhiisa kooxo si daran u gaarsata dadka oo si aanan naxariis lahayn dadka u laynaysay.
Markii ciidamada UN-ka isku dayeen inay daadgureeyaan kooxo qaxooti ah, oo ay kujiraan Paul qoyskiisa waxaa ku dhacday nasiib xumo daran waayo waddooyinka oo dhan aya kooxahaas u go’anaa waxaana khasab ku noqotay in ay huteelka dib ugu soo laabtaan iyaga oo dadka baxsadka ahaa qaarkood loo geystay dhaawacyo aanan sahlanayn kuwaas oo ay u geysteen dadka markaas dalka qaska iyo fowdada ka waday.
Paul ayaa badbaadiyey ugu yaraan 1,200 qaxooti Tutsi iyo Hutu ah, kuwaas oo ah kooxaha dagaalku ka dhexeeyay Isaga iyo qoyskiisa, oo ay ku jiraan laba cunug oo uu dhalay walaalka xaaskiisa waxaana dib u dejin siisay dalka Belgium, balse Tatiana walaalked Thomas iyo xaaskiisa lama helin xasuuqa ayaana dhammaaday bishii Luulyo 1994.
Xasuuqaan ayaa la sheeggaa in uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu khatarsanaa qarniggii 20aad ee taariikhda aadamaha ka dhaca waxaana ku geeriyooday in ka badan hal-milyan oo qof kuwaas oo anan waxba galabsan dhawr bilood gudaheed ayaana ayey ku geeriyooddeen tira dad ah oo intaas la'eg taariikhdana horay uguma aysan dhicin mudo intaas la'eg.
Qisadaan ka dhacday dalkaas ruwanda waxaa laga sameeyay filim ay adagtahay in la daawado qiirada ka muuqata hadana aanan laga daali karin markaad aragto dhibaatooyinka nololeed ee dad aduunkaan ku nool loo geystay, filimkaasi waxa uu soo baxay sanadkii 2004. Waxaana magaciisa la dhahaa hotel Ruwanda waxaana filim sameeye ka ahaa Terry George sidoo kale filimkaan waxaa arbihiisu ahaa Don cheadle oo aanan marnaba la ilaawi karin doorka jilitaan ee uu ku matelayay ninka qisaddaan laga qoray ee Paul Rusesabagina.
Sidoo kale waxaa qalanjo ka ahayd sophia okonedo oo ah gabar u dhalatay dalka ingiriiska waana qofta matalaysay paul xaaskiisa taas oo lagu magaaco tatiana, qaab wanaagsan ayay u jishay sheekada filimkaan taas oo lagu dhererinayay qisa dhab ah oo murug iyo naxariis daro ku saabsan taas oo ka dhex dhacday aduunkaan korkiisa, sidoo kale ninka caanka ah ee u dhaq-dhaqaaqa deegaanka iyo xayawaanka ahna jilaa reer Mareykan waa Joaquin Phoenix ayaa door yaab leh ka qaatay qisaddaan isaga iyo Nick Nolte.
Sidoo kale buug ayaa laga qoray qisaddaan, kaas oo uu qoray qoraaga u dhashay dalka Mareykanka ee lagu magacaabo Philip Gourevitch buggaan ayaa magaciisa la dhehaa (We wish to inform you that Tomorrow We will be Killed Our Famillies) buggaas ayaa soo baxay lana baahiyay sanadkii 1998, Waana buug qoraagu kaga waraamaayo markii u tegey dalkaas ruwanda waxa uu kusoo arkay iyo qisada saxda ah ee xasuuqii ka dhacay dalkaas ruwanda 1994 kaas oo ay ku geeriyooddeen in ka badan hal milyan oo qof.
In aan qayb kamid ah idiin soo tebiyo dhacdadaan waxaa igu dhalisay in dad ehel ah oo dhibaato intaas la'eg dhawr bilood isugu geystay iyaga dhexdoodu hadana maanta ay ka heshiyeen wax walba oo ka dhex dhacay dalkooda waa tusaale u wanaagsan dhammaan umadda soomaaliyeed, dalka ruwaandana xasilooni nololeed iyo mid siyaasaddeed ayaa ka jirta waqti xaadirkaan.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Dr-sameer Abdi-aziz
