Ardey Shaah geeye ah laakin kaalinta koowaad galay Pakistan
![]() |
| Ardeyga Kaalinta Koowaadgalay Maxamed Xuseyfa |
16jir maqaayad shaaha lagu iibiyo kabalyeeri ka ah ayaa kaalinka koowaad ka galay Imtixaanka Dugsiga Sarre (2019/2020) ee Dalka Pakistan.
Muxammad Xuzeyfa, wiil da'yar oo ku nool tuulada Ghala Mandi nawaaxiga Magaalada Multan ee Dalka Pakistan ayaa ku sigtay inuu wada saxo su'aalaha Imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2019/2020. Wadarta Imtixaanka oo lagu saxayay 1100 ayuu ka keenay 1050, sidaas ayuu ku muteystay inuu noqdo ardayga Kaalinta 1aad ka galay guud ahaan dalka.
Muxammad isaga ayaa ah isha keliya ee dhaqaale kasoo galo qoyskooda oo ka kooban 5 (afar caruur & hooyadood). Warbixin ay Jariidada Gulf News ka qortay ayaa lagu xusay in 'Muxammad uu 8saac waxbarto, 10saac maqaayada ka shaqeeyo, 2saac uu leyliyada iskuulka ku diyaariyo 4-ta saac ee soo hartayna uusan nasasho ku filan helin'..
Waxaa barta Twitter gilgilay sawir laga qaaday Muxammad Xuzeyfa isaga oo koob shaah ah macmiil u wada uu Taleefashinka ka arkay inuu Imtixaanka kaalin 1aad ka galay. Dadyoow fara badan ayaa dalbaday in Muxammad laga taakuleeyo tacliinta sarre (heer jaamacadeed).
Shaqsiyaad maalqabeen ah, Hey'ado caalami ah iyo kuwa maxali ayaa durbadiiba kasoo jawaabay dalabka dadweynaha. Sheekada Muxammad Xuzeyfa waxaa xiiso usii yeelay marki uu wariyihi wareysiga ka qaadayay weydiiyay "Hadii aan jaamacad galo, Hooyadeey yaa caruurta la korinaya?!
Muxammad Xuzeyfa waxa uu lacag la'aan ku baran doonaa Kuliyada Dhaqaalaha Islaamka, Jaamacada Caalamiga ee Islaamka, Faraceeda Malaysia. Nolosha qoyskiisa waxaa kafaalo-qaaday Hey'ada Taakuleysa Dadka Danyarta Pakistan ee la yiraahdo Pakistani Bait-ul-Maal (PBM).
Dulucda Qisada:
Cadaadis, culeys iyo caqabad kasta oo ku heysata hadii go'aankaagu yahay inaad waxbartid goob kasta ama goor kasta waxaa hubaal ah inaad go'aankaas ka guul-gaareysid.
W/Q: LIBAN CABDI
