Sidee ugu xifdiyey Qur’aanka Kariimka ah saddex qeybood?

Sidee ugu xifdiyey Qur’aanka Kariimka ah saddex qeybood?

Qisadii: Israa Miqdaad

Aan ku bilaabow Magaca Alle.
Add caption

"Ma xifdiyi kareen Qur’aanka haddii aan Allaah ila garab galin"


Aan bilaabo qisadaydaii aan ku xifdiyey Qowlka Eebbe Subxaanahuu watacaalaa. 

Qeybta Koowaad

Bilowga safarkeygu wuxuu bilowday kolkii ay waalidkay i bareen suuradaha gaagaban ee Qur’aanka xilligii da’daydu ahayd afar jir. Caruurnimadaydi waxa aan dhammeeyay todobada qeybood uu danbeeya Qowlka Eebbe. Waalidkay waxay ii ahaayeen dhiirrigeliyaal in aan barto Qur’aanka, waxaa I wehelinayay caruurta walaalahay ah xilligii aan ku guda jiray xifdinta Qur’aanka sababtoo ah waxaa jirtay xujo ahayd in haddii mid naga mid ah uu dhammeeyo Jus ama suurad  in la siin jiray hadiyad gaar u ahayd.  

Waqti kadib, waxaan hirgeliyey nidaam ii gaar oo aan ku baranayay Qur’aanka habkaas oo ahaa mid ii lahaa mucjiso. Aaditaanka masjidka saddex jeer asbuucii iyo akhrinta qeybaha koowaad waxay ahayd ka go’naashaha naftayda  ka hor inta aan hortagin macalinkayga. Waalidkay waxaa ku jirtay xamaasad ay isku dayayeen in ay na baraan Qur’aanka iyo Tajwiidka inta ay da’deenu yartahay. 

Waxa aan ahaa da’da saddex iyo toban jir markii aan ka bartay tajweedka gaar ahaan qaybta loogu tala galay dadka u baahan dhammaystirka ee horey in badan uga bartay tajwiidka anigoo ugu yaraa gabdhaha walaalahay ah, waxaan ku dhex jray koox ardeyda ah oo isugu jiray dumar iga da’ weyn iyo macalimiinta ee masjidka dariska nala ahaa. Waxay ii ahayd khibrad weyn! Halkaas oo aan fursad u helay in aan dadka hortooda ku akhriyo Quraanka Kariimka ah. 
Intaa kadib, markii aan gaaray da’da15 jir waxaa la ii doortay in aan baro Tajweedka caruurta iyo dumarka ku xirnaa masjidka. Run ahaantii  waxaan aad ugu mahad celinayaa hooyaday  oo ahayd qoftii wadada u xaartay in aan galo safarkan. 

Qeybta labaad
Marxaladda labaad waxay ahayd kolkii aan ku biiray Meel Qur’aanka lagu barto halkaas oo ay ardeydu ku xifdiyaan Quraanka mudo labo billood ah. 

Xilligii caruurnimadeyda ahayd waxaa aan dhammeeyay Quraanka 7.da qaybood mudo labo asbuuc ah iyadoo aan ku xifdinayay tobon bog halkii maalin! Ma aan sii wadin maadama aan dareemay inaan xifdiyey Aayaddo tiro badan aniga oo aan hayn waqti igu filan oo aanan eegayn aayaddaha iyo xarafaha ku soo dhaca afkayga laakin waa in aan muraajiceeyo boggagii aan ku xifdiyay gurigeyga oo waxaan door biday in aan dib ugu noqdo habkii caadiga ahaa ee aan wax ku xifdin jiray. 

Qeybta saddexaad 
Marxaladda saddexaad waxay ahayd middii ugu caqabadaha badnay dhanka kale ugu qiimaha badnayd; sida aan go’aansaday in aan ku dhammeeyo gurigayga qeybaha iiga  haray Quraanka maadama aan mashquul ahaa lixda maalmood ee asbuuca iyo shaqooyin ii gaar ah oo ii dheerayd waxbarashada jaamacadda ee la xiriirta cilmi barista, booqashooyin iyo xafladdo lagu daray howlo ii gaar ah oo aan ku dhex jray, iyadoo ay jirtay inaan haystay waxkasta oo rabay iyo nolol qurux badan haddana waxaan xaqiiqsaday in sida aan ku jiro aysan ahayn mid muhiim u ah noloshayda; tani ahmiyad uma leh noloshayda inkastoo aan marna joojin akhrinta qaybo ka mid ah Quraanka oo  xifdinayay jusas iyo aayado Quraanka ah. 

Waa inaan qaato go’aan adag oo ah mid foogaan dheer u qaadaya noloshayda taas oo ah inaan waqti badan galiyo  barashada Quraanka. Sidaa darted, waxaan sameeyay balan qaad naftayda ah oo aan ku xifdinayo dhammaan Quraanka iyo in aan ku dhago qorshihii aan qortay kaas oo ahaa waxa aan u baahnaa. Go’aan! Waxaan dhameeyay Lix iyo Tobanka Qaybood muddo dhan Sagaal bilood. Alle ayaa iska leh Mahad waxa aan noqday Xaafid. 
 
Talooyin la xiriira ka hor inta aan xifdin Qur’aanka kariimk ah 
1. Ahow qof daacad ah. 
2. Alle weydiiso in ku garab istaago: markaad qorsheysid, xifidisd, dib u muraajiaysid, raji dhigtid, fahmi weydo u noqo Alle isagaa ku sahlaya marna ha ka rajo dhigin ducada xilliga aad sujuudsan tahay. 
3. Yeelo saaxiibo ama qaybo qoyskaaga kuwaa oo ka mid noqda qorshahaaga waxayna kuu noqon karaan kuwa ku dhiirri geliya inaad xifdido Quraanka. 
4. Dheh MAYA: jooji kulamada iyo waxyaabaha aan muhiimka kuu ahayn, naftaada ka jar waxyaabihii aad samayn jirtay oo raadi waqti dheeraad ah si aad u gudo gasho xifdinta Quraanka. 
5. Ka dheero Dambiyada: had iyo jeer toobad keen haddii aad dareentid in aad xumaan ku dhacday xusuusno Allaah oo danbi dhaaf waydiiso. Ma aynu nihin kuwo mar kasta beri ka ah xumaanta laakin danbiyadu oo joogtaysaa waxay kaa hor istaagayaan qorshaha xifidinta Quraanka. 
6. Yeelo Macalin ku bara Tajwiidka: wuxuu ku barayaa kaa caawinayaa in aad Aayadda ugu dhawaaqdo si saxan.  
7. Isticmaal kutubka Musxafka: waxaad isticmaali kartaa qalin qoriga ama qalinka goonta leh si aad u calaamadaysato kalmadaha iyo aayadaha. Isku day in aad heli karto mid cabirkiisa kugu habboonyahay oo aad u qaadan karto meel kasta. 
8. Yeelo hab aad wax ku xifdin kartid: hadii aad isticmaalasid luuqadda calaamadda, inaad ku soo minguurinasid buuggaaga iyo kor u qaadida codka kolkaad ku dhawaaqasid ama aaad dhegaysanasid Qaari ama aad ka daba akhrinasid qaariga. Dooro qaabka ugu fiican iyo dabcan in aad isticmaali kartid hal hab in kabadan marka loo eego xaaladda aad ku sugan tahay, waqtigaaga , meeshaad joogtid iyo wixii la  mid ah. 
9. Yeelo qorshe wax laga baddeli karo: waxay u muuqan kartaa qeybta ugu adag dadka laakin haddii aad samaysid qeybaha kore waxaan hubaal ah inay kuu noqonayaan wax fudud. Qorshe la badbadeli karo waa qorshe leh qorsha koowaad iyo qorshaha labaad. Taas micnaheedu waa in aad garan kartid awooddaada iyo ficilka qorshaha aad qoratay kaas oo kugu habboon. 
Si fudud aan u dhigo “ waxaan xifdin doonaa hal bog maalinkasta salaada subax kadib, salaada cishe kadib ama ka hor waqtiga hurdada”. Daabaco qorshahaa oo la soco sida aad ugu dhaqmasid oo horumar uga samaynasid qorshahad u jeexday naftaada. 
 
Talooyin la xiriira xilligaad ku dhex jirtid Xifdinta Qur’aanka  
• Noqo qof xilli hore hurdada ka kaca: qofka  raba inuu xifdiyo Qur’aanka waa in uu kaco salaada subax ka hor oo uu xifdiyo boggaga u qorshaysnaa. Waa talo ay bixiyeen inta badan dadka xufaada Qur’aanka ah. 
• Iska dami Taleefanka ka iyo wixii la mid ah:  si aad uga fogaatid waxyaabaha ku mashquulin kara oo kaa weecin kara xifdinta iska dami taleefankaaga gacanta, kumbuutarka iwm ah. 
• Ku Dhawaaq, ku akhri oo ku Celcli: iska hubi in aad ku dhawaaqdo  aayadaha oo raaci tajweeedka adigoo dhegaysanaya Qaariga aad dhegasanasid. Sidoo kale ku celceli dhowr jeer akhrinta boggaga aad qorsheysay in aad xifdidid. Ku akhri  aayaddaha mugdiga kaaga jiro tafseer sid aad u fahamtid qaybahaad akhrinasid, arrintani waxay kaa caawinasaa in aad fahamtid micnaha iyo qisada ku jirta qeybtaad xifdinasid. Ku celceli  boggaga iyo aayaddaha tiro dhowr jeer ilaa aad ka baranasid, u kala jajabi dhowr qaybood oo ah sida ay isu raaci karaan qayabaha xifdintaadu; tani waxay ka caawin karaysaa inaad si sahlan u fahamtid. 
• Qaado nasniino ama bareeg: qiyaastii naftaada sii waqti kooban oo 10 daqiiqo ah si aad u nasatid, had iyo jeer bareeg qaado kolkaad howshan ku dhex jirtid.  
• Yeelo waqti go’an: yeelo waqti ugu badan oo saacad ama nusa saac ah ku xifdiso boggii marka loo eego awoodaada; kolkaas waxaa kuu fududaanaya xifdinta Qur’aanka. 
 
 
Talooyin  Muraajiceynta Qur’aanka ah 

●Ha isku dayin kaliya inaad xifdidid, had iyo jeer xusuusnow in dadku si fudud ku ilaawaan suurado ay xifdiyeen, sidaa darteed sii naftaada waqti ku filan oo ku muraajicaysid boggagii iyo maqrooyinkii aad horey u soo xifdisay. 
● Habka ugu wanaagsan ee aad ku hubin kartid in xifdigaagi uu sugan yahay waa in aad ku tukatid suurad ama bog ama bog barkiis oo ah intaad horey u soo xifdisay. Xaaladana waxaad sameyn kartaa kolkaad salaadaha faralka ku jirtid, taraawiiixda iyo tahajudka. 
● Ahow mid firfircoon kolkaad ku jirtid safarada muraajicee boggag cayiman ama dhegayso qaari aad jeceshahay. 
●Qoro tab ama khidad muraajiceyn ah markaad dhammaystirto taas oo noqon karta inaad ku bilowdo koox ama saaxiibo (aad baan dadka ugula taliyaa inay sidaan sameeyaan). 

Talooyin caawin kara dadka caajiska badan 

▪︎Baddel deegaanka oo qaado nasasho ama bareeg. 
▪︎Dib ugu noqo saaxiibadaa wac ama la kulan iyagoo dhan. 
▪︎ Daawo muuqaalada Quraanka la xiriira oo ka baro dadka khibrada u leh Qur’aanka waxaa jira barnaamij youtube laga heli karo oo la yiraahdo Guided Through the Qur’an”. 
▪︎Xusuusi naftaada sababaha badan ee aad u bilowday markii koowaad iyo sidaa u sii wadi lahayd safarkan cajiibka ee xifdinta Qur’aanka Kariimka ah. 

Talooyin dheeraad ah 

Dadka aan ku hadlin Af-Carabiga ama garanaya Tajwiidka waxay u tahay arrin fiican haddii aad ku bixisid waqti barashada marka u horeysa, sidaa darteed waxaad ku xifdin kartaa marka u horeysa sid saxan; ha joojin dhegaysiga Qaariyada oo ah kuwa si fiican kuugu saxaya akhrinta Aaayaddaha Quraanka.
Waxaa si shakhsiyan ah kuugala talinayaa barashada carabiga sida macalin Nucmaan Cali Khaan barnaamijkiisa la yiraahdo ‘Carabi Xusnaa” oo ah casharo lacag la’aan ah oo ka baxa talefishinka BAYINAHA TV oo ah mid aad u cajiib ah, Jaamaca Islamic Online University oo bixisa koorsooyin ka Afka Carabiga oo deg deg ah ama waxaad ku biiri kartaa Masaajidda ku yaal deegaanka ama markasyada diinta si aad u baratid luuqadda carabiga iyo tajwiidka. 

Iyada oo aan la eegayn Da’daada ama xirfadaada shaqo wali waad samayn kartaa; waxaa jirta boqolaal sheekooyin ah oo dhiirrigelin leh kuwaas oo aad ka bilaabi karto safarkaaga bal eeg barta Youtube waxaad ku arkaysaa sheeko kaa ilmaysiinaya oo leh qisooyin dareen leh. 

  Ha dib dhicin: bilow sida uga dhakhsiyaha badan markaad dhamaystirto akhrisa Maqaalkan 
Anigu, Qur’aanku wuxuu ii yahay Jaceylka noloshayda ugu weyn, had iyo jeer dareen xittaa markii aan caruurta ahaa. Xifdinta Qur’aanka iyo inaan ka mid noqdo dadka Qur’aanka xifdisan waa wax loo huri karo qiime kasta. Markaad noqotid Xaafidul Qur’aan waxaa is baddelaya in badan oo noloshaada ah, la noolaanshaha Quraanka waa safarka nolosha kaas i siinayay micnaha nolosha oo iiga dhigay waxkasta oo noloshada ah kuwo qiime leh. 

Eebbe weyne ha idiin naxariisto oo ha ku nuuriyo hortiina iftiinka Qur’aanka. 
Nabad gelyo kor kiina ha ahaato. 

W/T: Maxamed Cismaan muumin.
 
Dhammaad
 

Popular posts from this blog

TAARIIKHDA MAGAALADDA MUQDISHO

Hiroshima iyo Nagasaki: Godka la hilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka