Posts

Sidee maalqabeen ku noqon kartaa? raac 10 qodob

Image
Jeff Bezos waa ninka ugu taajirsan caalamka wuxuuna hoggaamiyaa mid ka mid ah shirkadaha ugu guusha badan caalamka, waana shirkadda Amazon oo isga uu ka yahay milkiile. Ma ahan buunbuunin, in la dhoho shirkaddaas teknolojiyadda ma guuleysan lahayn haddii aysan ahayn dadaalka adag ee uu ku bixiyay Jeff Bezos. "In shirkaddan ahayd bakaahro loo badalo mid wax walba iibisa, waxay u baahan tahay maskax badan, qorsheyn la xiriirta in khatarta loo bareero iyo hal-abuur," waxaa sidaasi yiri saxafiga lagu magacaabo David Baker oo barnaamij uu ugu magac daray "Inside the Mind of Jeff Bezos" sameeyay. Jeff Bezos Higsiga kuma koobnayn oo kali ah hal-abuurka ganacsiga, ee waxay ahayd mid ku saabsan waxyaabihii uu daneynayay". Balse su'aashu waxay tahay sidee ayuu Bezos hormarkan ku gaarsiiyay shirkadda? Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 qodob o horseeday gusha uu gaaray milkiilaha Amazon, Jeff Bezon. 1. Dhibaato kasta xal ayay leedahay marka laga fikiro hal-abuur...

Hiroshima iyo Nagasaki: Godka la hilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka

Image
  Hiroshima iyo Nagasaki: Godka lahilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka XIGASHADA SAWIRKA, ALAMY Doorka ay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ku lahayd sameyntii bambooyinkii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki, waxaa la qarinayay oo sir ayey ahayd, muddo tobannaan sano ah, laakiin dhaxalka laga helay ku lug lahaanshaheedii ayaa ilaa maanta la dareemayaa. "Erayga Shinkolobwe wuxuu igu abuuraa murug iyo boholyoow," ayey tidhi Susan William, oo ah taariikh-yahan ku sugan Machadka UK ee Barashada Culuumta Dalalka Barwaaqa Sooranka ah. "Ma ahan eray farxad leh, waa mid isoo xasuusiya musiibo iyo dhib weyn." Dad yar ayaa garanaya waxa ama xitaa meesha, uu ku yaallo Shinkolobwe. Laakiin godkan yar oo macdanta laga qodo, oo ku yaalla gobolka Katanga ee koonfurta Jamhuuriyadda Congo. Wuxuuna qeyb ka noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii musiibada ugu weyn sababay ee taariikhda soo maray. Magaalada Hiroshima ee dalka Japan, oo ku taalla meel...